|
Asmara,(insidesomalia.org)-Ururka dib u xoraynta Soomaalida la baxay oo sannadkii hore ee 2007-dii lagu abuuray dalkaasi Eritreya ayna ku midaysnaayeen qaybo kala duwan oo kala matalayay Ummadda Soomaaliyeed sida culumaa’udiinka aqoonyahano, Qurbo joogga Somalida, xubnihii baarlamaankii xorta ah la baxay, ganacsato iyo qaybo kale ayaa u muuqday mid markii hore soo jiitay dareenka iyo rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed, loona qaatay in si buuxda oo aan kala leexasho lahayn uu ugu howlgali doona ujeedooyinkiisa ahaa in uu dalka ka xoraynayo ciidamada Itoobiya ee dalka ku soo duulay sida ay Soomaalida inteeda badani wada aaminsan yihiin.
Ururkan in muddo ah waxaa la oron karaa waxaa uu sameeyay dadaal uu isugu xiray dareenka Umadda Soomaaliyeed ee sida wayn uga soo wada horjeedda siyaasadda dowladda Fedaraalka iyo keenitaanka ay dalka keentay Ciidamada tirada Badan ee Itoobiya wuxuuna suura galiyay in qorshihiisii in badan oo ka mid ah uu meel maro.
Dhismaha Ururkaasi iyo qorshihii uu dajiyay ee dhinacyada kala duwan ayaa la oran karaa wuxuu laf-dhuun gashay ku noqday in meeshana ka saaray hamigii iyo qorshayaashii ay Dowladda Fedaraalka oo kaashanaysa Taageerada siyaasadeed iyo ciidan ee Itoobiya ay talada dalka maamul, siyaasad iyo ammaanba ay ku doonaysay in ay gacanta ku wada dhigto.
Horu socod la,aantan ku timid Dowladda Fedaraalka iyo meel marinta qorshayaashii loo dajiyay ayaa waxaa soo shaac baxay in ay aad uga xumaadeen Dowladahii iyo Hay.adihii doonayay in meesha laga saaro raadkii Xoogaggii Islaamiyiinta Soomaaliyeed sida Midowgii Maxaakiimta iyo dhaqdhaqaaqa Shabaabka, ka dib markii ay arkeen halkii raadkooda laga cirib tiri lahaa ineyba maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanayeen, halka awooddii maamul iyo deegaan ee Dowladdu ay soo koobmayeen uuna sii badanayay is-khilaafka u dhexeeyay Mas’uuliyiintii sare sare. golayaashii, iyo saraakiishii Dowladda Fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya, ilaa ay arrintu gaartay in qaarkood ay xilalkii iska casilaan qaarna la casilo sida Ra’isul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi.
Sida in badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ay qabaan waqtigaasi ka dib ayay qorshayaal iyo qaabab kale khasab ku noqotay in ay alifaan qaybihii doonayay in meesha laga saaro raadkii Maxaakiimtii talada Caasimadda Muqdisho iyo Gobollada Koofureed intooda badan muddo 6 bilood ah maamulayay hoggaanka ugu waynna ku leh talada iyo maamulka Uurka Dib u xoraynta Soomaaliyeed la magac baxay.
Qorshayaashaan oo la aaminsan yahay iney ahaayeen kuwo aad u qoto dheer oo muddo laga baaraan dagayey ayaa meel mar noqdaywici ka dambeeyey shirkii nabadeed iyo heshiiskii ay magaalada Jabuuti ku saxiixdeen 9/5/2008 Dowladda iyo isbaheysiga dib u xoreynta ka dib markii heshiiskaas uu noqday mid mad madow soo kala dhex galiyey isbaheysigii ugu weynaa ee la dagaalamayey ciidamada Itoobiya qabsaday dalka taasoo niyad jab weyn ku keentay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, iyadoo heshiiskaasna illaa hadda aan wax horumar ah looga gaarin dhinacyada nabad galyada, xabad joojinta, soo celinta dadkii barakacay iyo wixii la mid ahba ,waxaana waxa kali ah oo uu soo kordhiyay uu noqday khilaaf ba’an oo soo kala dhax galay Madaxdii iyo xubnihii Ururka dib u xoraynta Soomaalida, kaasoo ah sidii ay doonayeen cadowga shacbiga Soomaaliyeed.
Ururkan oo waqtigaan kala leh 2 xarumood oo ku kala yaal Caasimadaha Eritreya iyo Jabuuti ayaa eeddo kala duwan hawaad isu mariyey, iyagoo dhowaana la filayo in ay kala magacaabaan xubno kooxiba kooxda kale ay xilalkii iyo boosaskii kaga saarayaan, waxaana la oran karaa marka koowaad waxaa ay aad wax wayn ugu dhimaysaa kalsoonidii, isku duubnaantii iyo waxqabadkii ay ummadda Soomaaliyeed ee taageersani ka sugaysay isbaheysiga waxaana la oran karaa oo kale in Ururkaasi waxaa uu waqtigaan soo gaaray meeshii ugu xumayd muddadii uu jiray. waxaana la arki doonaa waxa uu ku dambayn doono isbaheysigaasi iyo xubnihiisuba oo weli la rumeysan yahay ineysan fari ka qodneyn dibin daabyada uu cadowgu maleegayo ee ku wajahan sidii uu gebi ahaantiisba u burburi lahaa.
|
HADDA LABA KOOX AYEY U KALA QEYBSAMEEN, WAXAASE SUURTO GAL AH INEY AFAR AMA LIX KOOX KALE AY KA SOO FARACMAAN.